• Home
  • Afsoomaali
  • Gabay
  • Boga wargelinta
  • Heeso
  • Objective
  • English Poster
  • Contact
__ Gabaygaan Taariikh da Soomaali geli doona  ee  Daawoqabiil
Waxaa tiriyey Abwaan Nooradiin Darwiish
Guddoomiyaha  USD Party Xisbiga Midnimada


•    Dagaalada dalkeyga ka dhacay daal ma igu reebay
•    Dagaalkaas qabiilkaa dumiyey qaran dalkii hooyo
•    Dabaabaad ayaa waxays ku riday duul walaalaahe
•    Dantoodii ayey wada gefeen duhur dharaartiiye
•    Dibindaabyo hoosaa jirtee doqone waa mooge
•    Daawadoo cayaar maahinee dhiig aaya daatay
•    Diric & weliba waxa la dilay geesi daacadahe
•    Dulmigaas qabiil loo guntiyey baan diirka ka cadeyne
•    Degmo ilaa gobol hadii noloshi duugoowday
•    Dilka & xumaanbataba haddan derajo moodeyno
•    Deegta qoriga noo saran & daarahoon domino
•    Derisnimada oon diidno & sharafta diinteena
•    Duqey iyo caruur baa la dilay iyo dumarka & hooyo
•    Duqsiyadii quraankiyo hadddii diinta laga leexday
•    Dooxatada falkeedba hadii loo dadaalaayo
•    Daaqadaha xumaantee la furay yaa dabool saaraa.
•   
•    Afartaa da iyo woowga iyo deel maka hingaadshay
•    Dantii aan ka rabay iyo wadada derita moow qaadshay
•    Daleel gabaygu iima tagee meydin deegsiiyay
•    Deeleyda maansada abwaan daadah-shaan ahaye
•    Dadku markeey dagaagaan ayaan gabay ku doojaahe
•    Dahab lumay nin doondoonayoo daalan baan ahaye
•    Danqashada wadanimo ayaan faaraxow demine
•    Daljirkii dalkaygaan ahoo dirir qabiil diidan
•    Dalkiisii nin jecel baan ahoo qurbaha daalay
•    Calankeyga doogaa ayaan daawadaa abide
•    Dadka oo heshiiyaan rabaa dowlad daacad ahe
•    Dareenkaas qabiilkaa ayaa daawadiis keenay
•    Dadweynoow dantaadii ayaan doorkaan kuu sheegi
•    Daqaal oogayaashii ayaad daacad moodane
•    Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
•    Daba dhilif shisheeyaha la jira doolar badan qaatay
•    Dirirtaas colaadeed wadiyo dabino qoolqoolan
•    Duulaan colaadeed kuwaas qoriga deegeystay
•    Duligiyo xumaha kuwa nabaday ee nabada diidaaya
•    Dalaal iyo malaal iyo kuwaas daacada ilaaway
•    Dariiqyada habeenkii ku hara ceebta daba jooga
•    Darajada habeen riyo ku helay ee duhurkii doonaya
•   
•   
•    Afartaa dadiyo woowga & deel maka hingaadshay
•    Dantii aan ka rabay iyo wadada derita moow qaadshay
•    Daleel gabaygu iigama tagee maydin deeqsiiyay
•    Dadku Markeey dagaagaan ayaan gabay ku doojaahe
•    Afar kale waa iga didniin aan dadka u sheege
•    Dufta sare daxal hoosta taal maan dabka ilaawno
•    Diidmada qayaxan iyo hunguri doobi loo culayo
•    Daar dheer kursiga saaran ee beenta lagu doono
•    Dacas wada dhamaadeey danbiil dacalka haystaane
•    Dirqi xoog ku dooreey rabaan dabamar sheydaane
•    Docwareenka waa lagu yaqaan deyrada iyo hooga
•    Debnaha hadalka caaydaa ku badan duco ma sheegaane
•    Deymada indhaha kugu gubaan xaqa daboolaane
•    Duxmalaha qabiil iyo waxeey darajo moodaane
•    Damac iyo hunguri baa ku jira nolol dariiq beeshay
•    Dalka anaa u talin baa qabiil laysku doox-dooxay
•    Duqeydii caruurtii miyaa daawo loo waayey
•    Dunidii ayaa yabane nabada yaa diidan
•    Dadku inuu degiyo yaanan rabin derisnimo kheyrka
•    Durbaanada qabiil yaa tumoo yaa damiir beelay
•    Deyn deyn ku gaar yaa duqey doolar badan siiyey
•    Danta guud aaya diidanoo tiise yaa doonay
•    Kanaan dilay kanaan dila lahaa yaa dadka u sheegay
•    Daboolkaan ka rogey faaraxoow doodi qarameede
•    Wadaniga danqanayaan u furay doow la soo mara e
•    Doqon dheregtay waa lagu yaqaan daaciyo qurine
•    durduradana waa lagu yaqaan socod dabaaleedka
•    Daawadii qabiil baan hayaa ee dadyahow hooya
•    Duuduub waxii hore udaa hoow durbaantumine
•    Dufta sare daxal hoosta taal maan dabka ilaawno
•    Duuduub hadan loo liqeyn dacar qaraarkeeda
•    Daalkii xanuunkii dadyahoow soow ma daashaanba
•    Dermo laysu fidiyo hadaan caano lagu daadin
•    Daacadii ilaaheey hadan nabad loo dooran
•    Duco guud hadan faaraxoow duhur la wada yeelan
•    Denbiyadii la kala galay hadan nabada loo deynin
•    Duulba duul waxii uu ku dhahay daaqada laga tuurin
•    Derisnimada kow ah iyo haddan faaraxoow nabad la doon-doonin
•    Dastuur noo dejiya oo dadyahow nolol dugaag diida
•    Daa'inoow ilaahoow mar kale nabad soo daabur
•    Darwiish baa aniga lay yiraah geesi daacadahe
•    Dalka inaan imaadaan raba oon aan soo degee
•    Xamar baan dulheehaabayaa sida dabeyshiye
•    Dayaaradaha dheereeya iyo dulal bay sida'e
•    Deg markaan iraahdaan arkaa dhiig la daadinayo
•    Diiftaas shacabka haysaan arkaa iyo darxumo guude
•    Dalkeygaan jeclahay faraxoow dunidan oo idil
•    Danbi malaha ruuxii ilaah uu ka daayaaye
•    Dunidaan hadii aan ka tago oo naftu I deyso
•    calankeena igu duuga oo ducana ii dhaafa
•    Ma duugoowdo taariikhdu oo wax noo dihane
•    diiwaanka meel iiga qora darxumada qurbaha igu heshiyo sheega diiftayda
•    Daa inoow ilaahoow dalkaygii markale dowladnimo noo hel.
Abwaan Darwiish waxaa uu sameeyey Filimada *Daawo Qabiil* Soomaalida u ooya*
waxaa kale abwaan Darwiish soo Saaray Albumkii *YAA QIIL U HELI KARA*
Waxaa kale uu qoray heeso badan  oo ku saabasan guubaabo qaran & nabad